TACSI - INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal) Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Cabdiraxman Xassan iyo dhammaan bahda Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkiI, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Daahir Tukaale Askar, oo ahaa qunsulka xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee London, ee carriga dalka Ingriiska, kana mid ahaa diblomaasiyiintii ugu muddada dheerayd ee u soo adeegay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Marxuum Daahir Tukaale Askar waxa uu si daacadnimo, karti, aqoon iyo hufnaanba leh ugu soo shaqeeyey dalkiisa tan iyo dib ula soo noqoshadii qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo door muuqda ka qaatay dhismaha iyo horumarinta shaqada diblomaasiyadda jamhuuriyadda Somaliland, Waxaanu ahaa diblomaasigii ugu cimriga dheeraa isagoo weli ku jiray shaqada diblomaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibedda laga soo bilaabo 1993 ilaa imika, isaga oo noloshiisa u huray u adeegidda qaranka.
Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo. Sidoo kale, inuu Eebbe samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland